Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saraakiisha Milatariga oo loo diyaarinayo sidii ay AMISOM ugala wareegi lahaayeen Amniga dalka (Daawo Sawirada)

Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay tababar la siinayo saraakiil katirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya, waxaana saraakiishan la barayaa sidii ay u diyaarin lahaayeen qorshaha ay ciidanka Milatariga Soomaaliya ugala wareegi lahaayeen amaanka dalka.

Tababarkan la siinayo saraakiisha ciidanka Milatariga Soomaaliya waxaa furitaankiisa kasoo qeyb galay Wasiirka GaashAandhigga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali oo uu Wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi .

Saraakiisha tababarka qaadanaya ayaa wax badan laga barayaa qaabka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya amniga guud ee dalka ay ugula  wareegayaan Ciidamada AMISOM oo Mudo ka Badan 10 sano  ka Howlgalaya  Gudaha Dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Fderaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa kula dardaarmay Saraakiisha qeybaha Ciidanka Xoogga dalka inay ka faa’iideystaan muddada uu socdo tababarkan .

Tababarkan furmay ayaa inta uu socdo la isku dhaafsan doonaa habka ugu wanaagsan Ciidamada AMISOM amniga guud ee dalka loogala wareegi lahaa iyo in la xoojiyo isku xirka hoggaanada guud ee ciidanka Xoogga dalka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo arrimo xasaasi ah isku haya iyo kulamo u socda

Cabdi Cade

Xukun adag oo lagu riday nin qaba HIV/AIDS oo kufsaday gabar 9 jir ah (Akhriso)

Caydiid Ali

Ciidanka dowladda oo Howlgal ku dilay Sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab Hubna la wareegay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---