Allbanaadir.com
NEWS

Qaraxyo khasaare geystay oo caawa ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan todoba qarax ayaa caawa laga maqlay xaafado ku yaalla duleedka Koonfureed ee magaalada Muqdisho kuwaasoo geystay khasaare nafeed iyo burbur.

Qaraxyadan ayaa loo adeegsaday miinooyin lagu xiray guryo iyo dhismayaal ku yaalla xaafada Galmudug oo ka mid ah xaafadaha sanadihii la soo dhaafay ka abuurmay jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxyadan oo daryankooda laga maqlay meelo badan ayaa markii hore loo malaynayey iney yihiin madaafiic hoobiyeyaal ah.

Miinooyinka qaarkood oo lagu qarxiyey guryo la degan yahay oo aagaas ku yaala ayaa la soo sheegayaa iney ku dhaawacmeen illaa afar qof oo ay ku jiraan caruur.

Wararka ayaa sheegaya in dhismayaal kale oo ku yaalla ka soo horjeeda masjidka afar Minaaradlaha ay ku xiran yihiin miinooyin aan weli qarxin iyadoo dadkii degenaa ay halkaas ku xaniban yihiin.

Laamaha amaanka DF iyo kuwa miino baarista oo goobtaas gaaray ayaa xiray jidadka gala guryaha halkaas ku yaalla iyagoo la tacaalaya miinooyinka aan weli qarxin ee goobahaas lagu arkay.

Qaraxyada noocan ah ee miinooyinka lagu xirayo guryaha ayaa ka cusub dhegaha dadka Miuqdisho, lamana oga illaa hadda ujeedada laga leeyahay iyo sababta loo beegsanayo dadka degan guryaha miinooyinka lagu xiray.

Related posts

Daawo:-Mucaaradka Farmaajo oo maalinba maalinta ka danbaysa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho !!

admin

Itoobiya & QM oo ka heshiiyey qorshe muhiim ah oo khuseysa gobolka Tigray

Caydiid Ali

Puntland oo ku baaqday in Soomaaliya dib loogu celiyo cunaqabateynta hubka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---