Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne caan ah oo xil u magacaabay qof labo bilood ka hor geeriyooday

Madaxweynaha Nigeria Muhamadu Buhari ayaa nin dhintay u magacaabay inuu xubin ka noqdo guddi hoostaga dowladda.

Wareegtada uu Madaxweynaha xilkaas ugu magacaabay ayaa soo baxday 2 bilood kaddib geeridiisa.

Madaxweyne Buhari ayaa warqad ay ku qoran yihiin magacyada 37 qof oo uu soo magacaabay u diray aqalka senetka si ay u ansixiyaan, balse madaxweynaha kama uusan war heyn in Tobias Chukwuemeka Okwuru uu geeriyooday bishii February ee sanadkan.

Madaxa warbaahinta ee xafiiska Madaxweynaha Lauretta Onochie, ayaa sheegtay in Tobias Chukwuemeka Okwuru xilka loo magacaabay isagoo nool.

“Wuxuu dhintay isagoo magacaaban xilli uu sugayay in xildhibanaada senetka ay ansixiyaan, wararka ku saabsan geeridiisana wax xiriir oo lagala sameeyay ma jirto dhinaca dowladda” ayay tiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khayre & golihiisa wasiirrada oo ka qayb galay Xuska Aasaaska Puntland (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dab khasaare hantiyeed geystay oo caawa ka kacay qeybo ka mid ah degmada Hodan

Caydiid Ali

(Video) Qaraxii Muqdisho oo la cambaareesay & Ra’iisul wasaaraha cusub ee UK oo..

admin
Taboola Ads ---