Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo ciidamo dheeri ah geystay garoonka Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Jubbaland la geeyay garoonka diyaaradaha magaaladaas

Ilo wareedyo waxay sheegayaan in la kordhiyay tirada askarta Jubbaland ee garoonka joogay sidoo kale gaadiid kale oo nooca dagaalka ah ayaa lagu xoojiyey amniga garoonka

Sidoo kale wararku waxay intaa ku darayaan in ciidamo dheeraad ah la dhigay wadooyinka qaar iyo xarumaha maamulka ee magaalada Kismaayo

Talaabadan ayaa timid markii ay soo baxeen warar sheegaya in dawladda Soomaaliya ay fartay ciidamada ATMIS inay la wareegaan amniga garoonka hase ahaatee ATMIS ay ka cudur daaratay.

Jubaland ayaa sheegay iney hakisay xiriirkii wada-shaqeyn ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, xilli uu sii xoogeystay khilaafka labada dhinac.

Khilaafka, oo ku soo shaac baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee uu horraantii October ka baxay Madaxweyaha Jubaland Axmed Madoobe, ayaa ka sii daray xalay kadib markii Axmed Madoobe uu magacaabay guddi doorasho oo ka kooban 7 xubnood.

Hase yeeshee, waxaa isla saacado gudahood ku gacan sayrtay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo ku tilmaamtay sharci-darro.

Related posts

Dowladda UK oo Bogaadisay Horumarka Soomaaliya ka gaartay Duulista Hawada

Cabdi Cade

Dagaal Dhimasho geystay oo saaka ka dhacay xabsiga Gaalkacyo

Caydiid Ali

Villa Soomaaliya oo shaki badan ka muujisay Shirkii Dhax maray Rooble iyo Qoor Qoor

Cabdi Cade
Taboola Ads ---