Weerar Khasaaro geestay oo lagu qaaday Safaarad kutaalla magaalada Tehran (Sawirro)

Nin hubeesan ayaa maanta weerar dhaliyay khasarao isugu jirto dhimasho iyo dhaawac ku qaaday dhismaha safaaradda dowladda Azerbaijan ku leedahay magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran.

Weerarkan lagu qaaday dhismaha safaaradda Azerbaijan ayaa lagu dilay madaxii amniga ee safaaradda, waxaa sidoo kale weerarka lagu dhaawacay labo qof oo kale, waxaana si degdeg ah loo daadgureeyay dadkii kale ee safaaradda ku sugnaa.

Ciidamada ammaanka dalka Iran ayaa gacanta ku dhigay ninka weerarka geestay oo ku hubeesnaa qoray AK-47, waxaana booliiska baaritaano ku wadaan ninka weerarka geestay oo gacantooda ku jira.

Dowladda  Azerbaijan ayaa si kulul u cambaareesay weerarkan kuna tilmaantay mid argagaxiso,  waxa ayna dowladda Azerbaijan sheegtay in si degdeg ah safaaradeeda Tehran uga daadgureeneyso shaqaalaheeda.

Madaxweynaha dalka Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa sheegay in uu cambaareenayo weerarka argagaxiso ee lagu qaaday safaaradooda, waxa uuna ugu baaqay xukuumadda Tehran in baaritaan degdeg ah ku sameyso weerarkan.

Dalka Iran waxaa kunool malayaiin qof oo kasoo jeeda qowmiyadda Azerbaijan oo ku hadla luuqadda Turkish-ka, waxaana xiriirka u dhaxeeya Iran iyo Azerbaijan ahaa mid aan waayahan dambe wanaagsaneyn.

Police stand guard in front of the Azerbaijan embassy in Tehran, January 27, 2023, following an attack. – A man armed with a Kalashnikov shot dead an official in charge of security at Azerbaijan’s embassy in Tehran on January 27 and wounded two embassy guards, the foreign ministry said. (Photo by AFP)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -