Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada kala duwan ee Puntland oo howlgal culus isku diyaariyay

Ciidamada difaaca dowlad goboleedka Puntland ayaa ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay howlgal ka dhan ah kooxaha argagaxisada ah ee ku sugan buuraha gobolka Bari, waxa ayna ciidanka hadda ku jiraan heegan buuxa.

Guutooyin kamid ah ciidamada daraawiishta Puntland oo ay weheliyaan cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee qaabilan la-dagaallanka argagixisada, ayaa ku jira diyaar-garowgii u danbeeyay ee hawlgalka buuraha Calmiska si ay halkaasi uga saaraan kooxaha Daacish.

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa diyaariyay ciidankii ugu badnaa ee ka qeyb qaadanaya howlgalkan baaxada weyn ee Puntland ku dooneyso in ay kusoo afjarto kooxaha argagaxisada ah, waxa ayna hadda ciidamo badan oo la diyaariyay joogaan deegaanka Kalabeyrka ee gobolka Bari.

Ciidamada Puntland u diyaarisay howlgalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ayaa loo dhameestiray hubkii ay ku howlgali ,lahaayeen iyo saanadooda, waxa ayna ciidanka kaliya hadda sugayaan in lagu amro in ay bilaabaan howlgalka soo afjarida kooxaha argagaxisada ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaallamayaal katirsan kooxda Daacish ay isaga baxeen buuraha Calmis kahor inta aysan howlgalka bilaabaan, waxa ayna kooxahan hadda sii diyaarsadeen dhankooda dhufeesyo iyo godad ay gabaad uga galaan duullaanka kusoo wajahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo shaacisay Xiliga dib loo furayo duulimaadyada caalamiga ah

Caydiid Ali

Qarax Muqdisho ka dhacay iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo la kulmay Maxamed Shiyaac (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---