Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo ka hadashay Diyaaradaha la sheegay in hub geeyeen Kismaayo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya in diyaarado hub iyo saanad kale oo milatari siday ka dejisay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland, hubkaan ayeyna dowladda sheegtay in Itoobiya ku taageereyo Axmed Madoobe.

Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Gen Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal, ayaa been abuur iyo wax aan jirin ku tilmaamay warkan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee sheegaya in diyaarado hub iyo saanad ciidan sida ka dageen Kismaayo.

Waxa uu sheegay Wasiir Dhuumaal in wax laga xumaado tahay in dowladda Soomaaliya ku dhawaaqdo in diyaarado hub iyo rasaas sida ka dageen Kismaayo, waxa uuna tilmaamay Wasiirka in dowladda looga fadhiyo caddeynta warka ay sheegtay.

“Dowladdu ma ahayn inay eed noocaani oo kale ah ay ka timaado oo ay soo qaadato waxyaabo ay ka aragtay baraha Bulshada, waxaana looga fadhiyaa dowladda haddii ay caddeyn heeso in bannaanka soo dhigto” ayuu yiri Wasiir Dhuumaal.

Wasiirka Amniga Jubbaland , ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Itoobiya goobaha ay joogaan ayna ka wadaan dhaq dhaqaaqyada kaliya aysan aheyn Jubbaland, waxa uuna tilmaamay in ciidabkaasi joogaan Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay dadaalo ay sameesay Xukuumada Kheyre (Sawirro)

Cabdi Cade

Niger oo amartay in qasab looga saaro dalkaas danjiraha dowlada Faransiiska

Caydiid Ali

Maamulka Somaliland oo walaac ka muujiyay taageerada beesha caalamku siiso DF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---