Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax Muqdisho ka dhacay iyo Faah faahino kasoo baxaya

Qarax gaari nuuca raaxada lagu soo xiray ayaa barqonimadii maanta ka dhacay waaxda 1-da March ee degmada Waabari, waxaana faah faahino kasoo baxayaa qaraxan iyo khasaaraha ka dhashay.

Sida aan Wararka ku heleyno qaraxan ayaa gaarigiisa loogu soo xiray nin magaciisa lagu sheegay  Cismaan dheere oo la tilmaamay in shaqaalaha dowlada federaalka  Soomaaliya katirsan yahay.

Qaraxan waxaa ku dhaawacmay ruuxii watay, lamana soo sheegin khasaaro kasoo gaaray shacab ka ag dhawaa halka uu gaarigu ku qarxay, waxaana halka uu qaraxa ka dhacay baaritaano ka sameeyay ciidamada booliiska.

Qaraxyada gawaarida hoosta looga xiro ayaa inta badan lala eegtaa shaqaalaha iyo ciidanka dowlada , waxaa sidoo kale mararka qaar qaraxyada nuucaasi ah baabuurta loogu xiraa dadka magaca leh sida Wariyaasha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo 48 saac u qabatay ciidanka DF ee Raaskamboni

Caydiid Ali

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika & raggii dilay oo laga jaasiyey

Caydiid Ali

Dayuurad ku burburtay xadka Soomaaliya iyo Kenya (Tirada dhimashada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---