Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare cusub oo loo magacaabay Dalka Suuriya kaddib dhicitaankii…

Muxammad Al-Bashiir ayaa loo magacaabay Ra’iisul wasaaraha kumeel-gaar ah ee Suuriya , kaasoo shaqadiisa ay noqon doonto inuu soo dhiso dawlad cusub oo maareysa marxaladda kumeel-gaar ah ee Suuriya. Waa tallaabo meesha looga saarayo firaaqa nidaam ee shalay ay gashay Suuriya , markii dhaqdhaqaaqa mucaaradka ay la wareegeen xukunka, iyagoo meesha ka saaray nidaamkii Bashaar Al-assad.

Al Bashiir, ayaa 13 bishii Jannaayo ee sannadkan, 2024 waxaa loogu doortay magaalada Idlib oo ay ka yimaadeen xooggaga la wareegay xukunka Suuriya inuu noqdo Ra’iisul wasaaraha dawladda badbaadada Suuriya (SSG) , si ay u maamusho Idlib iyo waqooyiga Suuriya, markaa oo uu dhisay gole wasiirro iyo hay’adihii kale ee dawladda.

Muxammad Al-Bashiir, waxa uu ku dhashay Jabal Zawiya ee gobolka Idlib sannadkii 1983-kii, waxa uu ka qallin-jabiyay jaamacadda Xalab sannadkii 2007-dii oo uu ka qaatay shahaahada injineernimada ee dhinaca korontada.

Sannadkii 2011-kii, Al-Bashiir waxa uu noqday madaxa qaybta qalabka gaasta ee shirkadda Gaaska Suuriya. Wuxuu xiriir wanaagsan la leeyahay Julani iyo xubnaha golaha shuurada kooxda Hayʼat Tahrir al-Sham ee hoggaaminaysay kacdoonka militari ee xukunka looga tuuray Bashaar Al-assad.

Related posts

Wasiirka amniga Somalia oo War ka soo saaray dagaalkii caawa ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Galmudug oo diiday ganaaxii lagu soo rogay

Caydiid Ali

Ciidamada Puntland oo la wareegay Talisyadii Daacish ee Calmiskaad (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---