Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Yoon Suk oo raaligelin bixiyay xilli uu xaalka ku xun yahay

Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed Yoon Suk Yeol ayaa khudbad laga baahiyay telefishannada aroornimadi hore ee Sabtida maanta ah, raalli gelin ka bixiyay sharcigi dagaalka ee martial law-ga ee uu todobaadkaan ku soo rogay dalkiisa, in kasta oo uu ka laabtay 6 saacadood kaddib.

Yoon ayaa raalli gelintan bixiyay saacado yar ka hor inta aysan mudanayaasha baarlamaanka yeelan fadhi aan caadi aheyn oo la filayo in madaxweynaha xilka looga xayuubiyo.

Yoon wuxuu sheegay in uusan isku dayi doonin ka fogaanshaha mas’uuliyadaha sharci iyo kuwa siyaasadeed ee ka dhashay go’aankiisii la yaabka ku noqday shacabka Kuuriyada isla markaana ruxay guud ahaan qaranka uu hogaamiyo.

Hadal jeedintiisi saaka ayaa noqotay tii ugu horreysay ee uu uga soo hor muuqdo fagaarayaasha, wixi ka danbeeyay marki uu iclaamiyay sharciga dagaalka, kaas oo haddii uu dhaqan gali lahaa ka dhigi lahaa Kuuriyada Koofureed waddan uu ka fulo kaliyah amarka madaxweynaha, milatariguna ay soo xiri karaan qofki ay doonaan maxkamad la’aan.

Mudanayaasha axzaabta mucaaridka iyo qaar ka mid ah xildhibaannada xisbul xaakimka ayaa la filayaa in ay haa ugu codeeyaan mooshanka xilka looga qaadayo madaxweynaha maanta.

Related posts

Golaha Wasiiradda Puntland oo ansixiyay miisaaniyadda maamulka ee lixda bilood ee soo socota (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Putin oo go’aan lama filaan ah ka soo saaray dagaalka Ukraine

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo Maamuus gaar ah u sameeyay Fahad Yaasiin (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---