Masuul ka tirsan Puntland oo caawa lagu dhaawacay Magaalada Boosaaso

Kooxo hubeysan ayaa caawa ku dhaawacay Magaalada Boosaaso garsoore ka tirsan Maxkamadaha Maamulka Puntland.

Siciid Cabdi Muumin oo sidoo kale ka tirsan guddiga garsoorka Maamulka Puntland ayaa rasaastii ay ku fureen dableyda soo weerartay waxay ka haleeshay gacanta Midig.

Goob joogayaal ayaa ku waramaya in Siciid Cabdi Muumin loola cararay Isbitaalka magaalada Boosaaso, iyadoo dhaawaciisa la sheegayo inuu yahay mid aan sidaa u soo weyneyn.

Ciidamada amaanka Magaalada Boosaaso ayaa la sheegay iney tageen goobta weerarku ka dhacay halkaasoo ay ka wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan raggii weerarka fuliyey oo baxsaday.

Masuuliyiin, askar, ganacsato, odayaal dhaqameedyo iyo dad kale ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Boosaaso sanadihii la soo dhaafay, waxaana dilalkaas intooda badahn sheegtay kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -