Mid ka mid ah Shaqaalaha Xafiiska Raisul Wasaaraha oo shaqada ku waayay in uu saaxiib la’ahay Milkiilaha Allbanaadir Online(Yaab la arkay)

Xoghayaha joogtada ee Xafiiska Raisul Wasaaraha Somalia Axmed Nuur Maxamed Cabdi

Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Raisul Wasaaraha Somalia Axmed Nuur Max’ed Cabdi ayaa shaqada ka ceyriyey mid ka mid ah shaqaalaha xafiiska Raisul Wasaaraha Somalia.

Talaababadan ayaa timid ka dib markii dhowaan Shabakada Allbanaadir Online ay baahisay war ku saabsan shaqaale qaab musuq ah lagu qoray oo uu ka dambeeyey xoghayaha joogtada ah, iyadoo Allbanaadir Online ay soo bandhigtay documents iyo cadeymo isdaba joog ah oo arintaas la xiriira.

Axmed Nuur Max’ed Cabdi oo ka carooday qoraalka iyo cadeymaha laga baahiyey ayaa maalmahanba waday ficilo ka dhan ah shaqaalaha xafiiska raisul wasaaraha qaarkood oo uu ku tuhmay iney bixiyeen cadeymaha xogta xaqiiqada ah ee Allbanaadir ay baahisay.

Ninka shaqada laga eryey oo ka mid ahaa shaqaalaha aan sida rasmiga aheyn ee sugayey in mushahar joogto ah loo qoro ayaa dembiga kaliya ee uu shaqada ku waayey uu noqday isagoo saaxiib la’ah Milkiilaha shabakada Allbanaadir Online, Mudane Cabdiraxmaan Macalin Xueen iyadoo aysan jirin cadeymo la xiriira inuu bixiyey documentiga xafiiska xoghayaha joogtada ah.

Shaqo ka ceyrinta uu ku dhaqaaqay Xoghaye Axmed Nuur Max’ed Cabdi ayaa waxay isqabqabsi iyo muran xoog ka dhex dhalisay qaar kamid ah Shaqaalaha xafiiska Raisul wasaaraha .

Falkan ayaa waxaa ka carooday shaqaalaha kale ee xafiiska raisul wasaaraha oo sheegay xoghayaha joogtada ah uu ku xad gudbay shuruucda uu shaqada ku weyn karo muwaadin kasta oo ka tirsan shaqaalaha dowlada, uuna si sharci daro iyo sabab la’aan ah shaqada uga ceyriyey qof aan jebinin qodob ka mid ah shuruucdii uu shaqada ka weyn lahaa.

Raisul Wasaare Khayre ayaa quus iyo qadiyaan ka jooga Xoghaye Axmed Nuur Max’ed Cabdi isagoo haatan ka fekeraya talaabadii uu qaadi lahaa oo ay ku jirto xilka ka qaadis ama bedel lagu sameeyo maadaama ay hab dhaqankiisa maamul ka hor yimaadeen shaqaalaha kale ee xafiiska intooda badan.

Dokumentiga cadeymaha u noqday shaqaalaha uu sida sharci darada ah u qoray xoghayaha ayaa Allbanaadir Online waxay ka heshay ilo wareedyo iyada u gaar ah, qofka sababtaas awgeed shaqada looga ceyriyeyna waa shaqaale hoose oo aan awood u laheyn inuu xog sidaas u culus keeno.

Shabakada Allbanaadir Online kuma shaqeyso feker shaqsi ama koox gaar ah, waa shabakad ka madax banaan dhinacyada siyaasada oo bulshada Soomaaliyeed u balan-qaadeysa iney u soo bandhigto xogta masuul kasta oo ku kaca musuq ama fal khilaafsan sharciga iyo howlaha uu bulshada u hayo iyadoo cadeymo buuxa wadata, Waxaana xusid mudan in Shabakadu ay arrintaas ku kasbatay akhristayaal iyo taageerayaal badan ayuu Yiri “Milkiilaha Shabakada Allbanaadir Online Mudane Cabdiraxmaan Macalin Xueen.

Hoos Riix oo ka aqriso Kiiska Musuqa lagu heysto Xoghayaha:-

Kiiska Musuqa ee loo heysto Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska RW oo weji cusub yeeshay (Cadeymo cusub)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
London-Uk

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -