Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya iyo dal Yurub kuyaalla oo heshiis dhinaca Amniga ah kala saxiixday

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo kulan la yeeshay dhigiisa dalka Serbia Ivica Dačić, ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo kor loogu qaadayo xiriirka labada dal, gaar ahaan ahaan dhinacyada amniga iyo tababarrada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskani uu wax weyn ka beddelayo iskaashiga labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tababarrada iyo tayeynta Ciidanka amniga Soomaaliya.

“Xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia, waa mid qoto dheer oo soo jiray sanado badan, tallaabada maanta aan ku saxiixnay heshiiskani waxa ay sii xoojin doontaa taageerada iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ay wadaaggaan labada waddan”.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Serbia, ayaa tallaabo taariikhi ah ku tilmaamay heshiiska ay gaareen labada dal, waxaana uu hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal.

Serbia waxa ay door muhiim ah ka qaadata dadaallada dib-u-dhiska dowladnimo ee Soomaaliya, gaar ahaan tababarka Ciidamada iyo horumarinta hey’adaha amniga Qaranka.

Screenshot

 

Related posts

Daawo Sawirro) Boqol ruux oo ku dhintay musiibo ka dhacday gobolada Paradesh & Rajasthan

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo tagay Ballidoogle Tababarna usoo xiray Ciidamo katirsan Danab (Sawirro)

Cabdi Cade

Muhaajiriin badan oo kusii jeeday Yurub oo geeriyooday iyo kuwa la bad baadiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---