Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo soo saartay amar ka dhan ah Sawiradda Madaxweyne Xasan

Khilaafka u dhaxeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilligan gaaray meeshii ugu xumeyd, waxa ayna labada dhinacbo soo saareen warqado waaran ah oo lagu soo kala xirayo Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe.

Qoraal uu soo saaray guddoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada, mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa qoraal uu soo saaray ku amray ganacsaada iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada Kismaayo in sawiradda Madaxweyne Xasan Sheekh ka fujiyaan goobahooda.

”Guddoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa amray dadweynaha Kismaayo in Sawirada Xasan Sheekh Maxamuud laga fujiyo dhammaan Xafiisyada dowladda, goobaha waxbarashada, goobaha ganacsiga, guryaha iyo meel kasta oo uu sawirkiisa ku dhaganyahay” ayaa lagu yiri war lagu baahiyay Tv-ga Jubbaland.

Amarkan kasoo baxay duqa magaalada Kismaayo ayaa durba goobaha qaar ka hirgalay, waxa ayna dadka sida weyn u taageersan Madaxweynaha Jubbaland bilaabeen in sawiradda Madaxweyne Xasan Sheekh ka fujiyaan, xafiisyadooda, goobahooda ganacsi iyo guryaha.

Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa u badan kuwa daacad u ah oo taageersan maamulka Jubbaland iyo kuwa kale oo iyana cabsi darteyd aan kahor imaan karin amarada kasoo baxay maamulka Jubbaland ee Kismaayo ka taliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhibaato xooggan oo ka taagan Waddo Muhiim ah oo kutaalla Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Amarada Mahdi Guuleed ee Bankiga Dhexe & Dagaalka ka dhaxeeya Masar iyo Itoobiya oo meel xun gaaray !!

admin

Ismaaciil Ibrahim (Jundulah) oo isku dhiibay ciidanka Jubbaland (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---