Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dayuurada Kenya Airweys oo ku degi weysay Muqdisho, dibna u laabatay (Sababta)

Dayuurada Kenya Airweys ayaa dib ugu laabatay maanta garoonka Joma Kenyatta ee Magaalada Muqdisho, kaddib markii sida ay sheegtay ku degi weydey garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Shirkadda ayaa sheegtay in dabeylo xooggan oo ka jiray Muqdisho ay sabab u noqdeen iney dib u laabato markii ay u suuragali weysay iney caga dhigato.

Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey oo la socotey diyaaradda ayaa saaxiibadood u sheegay in ay diyaaradda Kenya Airweys isku dayday laba jeer inay ka soo degto garoonka Aadan Cadde, laakiin uu markii dambe duuliyuhu go’aan ku qaatay in uu Neiroobi  dib ugu celiyo.

Diyaarado caalami ah iyo kuwo gudaha ka shaqeeya ayaa maanta si caadi u isticmaalayey garoonka Aadan Cadde, kuwaasoo aan la kulmin caqabada ay sheegtay dayuurada Kenya Airweys, iyadoo Sidoo kale uusan jirin war arrintan ku saabsan oo ka soo baxay Maamulka garoonka Aadan cadde.

Related posts

Puntland oo ka xumaatay Haramcad yar oo ku geeriyooday magaalada Gaalkacyo (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaan si adag uga hadlay fal ay ku kaceen koox Macawuusley ah oo Hiiraan ka dagaalanta

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo qarka u saaran in Korontada iyo Biyaha laga jarto Hoyga uu degan yahay !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---