(Sawirro) Meydka Xildhibaan Max’uud Seesey oo aas Qaran loo sameeyey

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan labada aqal ee BJFS ayaa Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyadda Qaranka uga qeyb galay salaada jannaasada Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey oo ku geeriyooday Muqdisho.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, xildhibaannada Golaha Shacabka oo uu ka tirsanaa iyo qoyska uu ka baxay uga tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Seeyseey waxa uuna Eebe ugu baryay in uu samir iyo iimaan ka siiyo, isagana naxriistiisa jano ka waraabiyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in marxuumku uu ahaa halyeey qaran oo waqti dheer geliyay dhismaha dowladnimadda dalka, waxaana uu Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo iimaan ka siiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -