Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Muxuu Gudoomiye Madaale ka doonay furumaha dagaalka Sh/dhexe?

WARSAXAAFADEED:

Safarka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta oo ah (Isniin 18, September 2023) gaaray deegaanada Nuur-dugle iyo Caddaan Laxey ee Gobolka Shabeelada dhexe, si uu udar-dargeliyo Howlgalka sifeynta Khawaarijta ee ka socda Bariga Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Duqa Muqdisho ayaa sii maray deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, oo uu ku dhiirageliyay Ciidamada Qaranka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ee kaalinta ka qaatay in Khawaarijta lagu jibiyo Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale waxa uu booqday furimaha ay Gobolka Sh/dhexe kaga sugan yihiin Ciidamo ay hogaaminayaan Guddoomiyeyaal ka tirsan Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir oo iyagu qeyb ka ah Dagaalka dalka loogu Sifeynaayo Khawaarijta. iskuna diyaarianaya in cadowga ay ka saaraan goobaha fara ku tiriska ah oo ay ku harsan yihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Ciidamada Qaranka iyo Xoogaga Difaaca shacabka kula dar-daarmay in la dar-dargeliyo dagaalka sifeynta ee lagu baac-sanaayo Khawaarijta, waxa uuna xusay in aysan jirin meel loogu haro Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee uu hogaaminaayo Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Safarka dhiiragelinta CXD iyo dar-dargelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee uu Duqa Muqdisho ku gaaray Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay tusaale u tahay in qof waliba ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii uu ugu qeyb qaadan lahaa Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoona horey uu Maamulka Gobolka Banaadir taageero dhinac weliba leh uu la garab taagnaa CXD iyo kuwa Deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

— DHAMAAD —

Related posts

Wasiir Oomaar: “Ethiopian Airlines uma kala gooshi karto Magaalooyinka Soomaaliya”

Caydiid Ali

Wasiir u tartamaya doorashada kursi ka banaan golaha shacabka oo lagu qabanayo Puntland

Caydiid Ali

Ma dhab baa in Muqdisho laga furay goobo la geeyo gabdhaha jirkooda ka ganacsada?

Caydiid Ali