Rooble oo Kismaayo kula shiray waxgarad iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gedo (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan Xildhibaannada Heer dowlad goboleed, Madaxwayne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo siyaasiyiinta ku matala Gobolka Gedo Dowlad-goboleedka Jubaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay doorka ay ku leeyihiin dib u heshiisiinta Jubaland iyo dhammeystirka hannaanka doorasho ee Jubaland, gaar ahaan kuraasta deegaan doorashadoodu ay tahay magaalada Garbahaarreey.

Madaxda iyo Siyaasiyiinta uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa sheegay sida ay uga go’antahay in ay kaalin mug leh ka qaataan dib u heshiisiinta Gobolka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku bogaadiyey Madaxweyne kuxigeenka Jubaland, Wasiirrada iyo Xildhibaannada uu la kulmay talooyinka wax ku oolka ah ee ay la wadaageen, isagoo tilmaamay in ay muhiim tahay sii amba-qaadidda qorsheyaasha lagu adkeynayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka Gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Kismaayo waxa uu kulammo wada-tashiyo ah oo ku saabsan doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta dalka la qaadanayaa qeybaha kala duwan ee Bulshada Jubaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -