Dowlada Somalia oo xoojineysa xiriirka Ruushka iyo hal arrin oo sabab u ah

Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda ee JFS Mudane Belel Cusmaan ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka dalka Ruushka u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jabuuti Ambassador Michail Golovanov.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xiriirka labada waddan iyo xaaladaha siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika.

Safiirka ayaa uga ka mahad celiyey Wasiirka qaabilaadda iyo soo dhoweynta uu u sameeyey, waxaana uu u sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Russia diyaar u tahay wax la qabashada Soomaaliya.

Dowlada Somalia ayaa mudooyinkan xoojisay xiriirka ay la leedahay dalal uu ku jiro Ruushka oo ay is hayaan Maraykanka iyo reer galbeedka, si ay taageero ugu hesho muddo kororsiga ay sameysatay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowaan safiirada dalalka Ruushka iyo Shiinaha ku soo daray kulan uu Villa Somalia kula qaatay wakiilada beesha caalamka, taasoo ka careysiisay dalalka reer galbeedka.

Farmaajo ayaa Ruushka u arka quwad weyn oo ka fududeyn karta culeyska iyo diidmada muddo kororsigiisa ka heysta dalalka reer galbeedka ee Maraykanku horkacayo. lamana oga sida Ruushku uu buuxin karo kalainta ay baneeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -