(Sawirro) Boqolaal arday oo sanadkan ka qalin jebisey Jaamacadda Benaadir

Xaflad ballaaran oo loo sameeyey boqolaal arday oo ka qelin jebisay 11 ka mid ah 13-ka kuliyadood ee Jaamacadda Banaadir ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynihii hore ee dalka, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Xukuumada iyo Baarlamanka Somalia, qeybaha kala duwan bulshada, fanaaniin, Waalidiin, wakiilo ka kala socotay Heyaddo kala duwan, Jaamacadaha kale qaarkood, aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Max’uud Xassan Biday oo ka mid ahaa Masuuliyiintii ka hadashay munaasabadan ayaa sheegay in maanta ay u tahay maalin faraxadeed, uuna u hambalyeynayo ardayda qelin jebisay isagoo dhinaca kale ku dheeraaday asaaska Jaamacadda marxaladihii ay soo martay, horumarka ay ku talaabsatay iyo qorsheyaasha ay higeysaneyso mustaqbalka.

“Maanta waa maalin xusuus mudan, waxaana naga qelin jebineysa dufcadii 15aad oo ka kooban arday tiradoodu gaareyso 712 arday oo ka soo baxay 11 ka mid ah 13-ka Kuliyadood ee Jaamacada Benaadir iyo qeybta daraasaadka sare” ayuu yiri Gudoomiye Biday oo dhinaca kale mahad celin ballaaran u soo jeediyey waalidiintii garab taagnaa ardayda qelin jebisay. Maamulka Jaamacada iyo Macalimiintii heerkan soo gaarsiiyey ardayda qelin jebisay oo uu ugu baaqay iney waxbarashadooda sii wataan, aysana qelin jebinta u qaadanin iney waxbarashadii dhammaatay.

Dhinaca kale, Gudoomiye Biday ayaa Mahad celin gaar ah u diray heyaddo xiriir joogto ah iyo wadashaqeyn ay kala dhexeyso oo ay ka mid yihiin Premier Bank, heyadda SOS iyo Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir.

Agaasimaha tacliinta sare ee Wasaarada Waxbarashada  xukuumada Somalia ISMAACIIL Yuusuf oo munaasabadaas ka hadlay ayaa isna markiisa hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda qelin jebisay, isagoo xusay inuu sidoo kale farxada la wadaagayo waalidiinta iyo maamulka Jaamacada Benaadir.

Maxamed Yuusuf ayaa dhinaca kale ka waramay dedaalka Wasaaradu u soo gashay, welina ugu jirto Horumarinta, waxbarashada iyo tacliinta sare ee dalka oo illaa hadda uu xusay iney ka gaareen guulo la taaban karo, wuxuuna sheegay in Wasaaradiisu ay had iyo jeer garab taagan tahay Jaamacadaha gaarka ah ee dalka.

Madaxweynihii hore ee Somalia Xassan Shiikh Max’uud oo munaasabadaas Khudbad ka jeediyey ayaa hambalyada ka sokow ardayda qelin jebisay ku amaanay dedaalka ay muujiyeen mudada ay waxbarashada soo wadeen iyo dhabar adeyga ay muujiyeen.

“Dal kasta horumarkiisa waxaa horseed u ah dedaalka ay muujiyaan aqoonyahanadiisa, wadamada horumaraya ee aad arkeysaan aqoon iyo cilmi baaris ayey ku gaareen, waxaana la idinka fadhiyaa inaad sidaas si la mid ah dadkiina iyo dalkiina u horseedaan, Soomaaliya oo hadda burburka ka soo kabaneysana idinka iyo kuwa idinla mid ah ayey u baahan tahay” ayuu yiri Xassan Shiikh oo kula dardaarmay ardayda qelin jebisey iney dedaalkooda waxbarasho halkiisa ka sii wadaan.

Senator. Prof.Dr Cusmaan Maxamuud Dufle oo sidoo kale ah madaxa qeybta Daraasaadka sare ee Jaamacada Benadir ayaa isna ku dheeraaday taariikhda Jaamacadda iyo sida ay ugu soo gudubtay xaalado adag oo soo wajahay intii ay jirtay, wuxuuna hambalyo u diray ardayda qelin jebisay oo uu sheegay iney dedaal badan muujiyeen.

“Jaamacadda Benaadir waxaa iskugu tagay aqoonyahano iyo dhaqaatiir ka soo baxay, Macalimiina ka soo noqday Jaamacadii hore ee Ummadda, taasoo muujineysa iney tilmaan cad u tahay heerka ay ka joogaan horumarinta tacliinta sare ee dalka” ayuu intaas ku daray Senator Dufle.

Hadalo isugu jiray soo dhoweyn, hambalyo, guubaabo iyo dardaaran ayaa waxaa intii munaasabadan ay socotay ka jeediyey Masuuliyiin fara badan oo ay ka mid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka dekedaha Somalia Dr. Mahad Maxamed  Xassan, Gudoomiyeyaasha Jaamacadaha SIMAD iyo Muqdisho, wakiilo ka socday bankiyada gaarka loo leeyahay, Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacada Benaadir Dr. C/raxmaan Xassan Cumar, Guddoomiyaha heyadda Culimada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad, Dr. Axmed Yusuf Guled, Guddoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf, Guddoomiyaha degmada Waaberi ee gobolka Banaadir Sugaal Cali Ayaanle, Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti) oo ku hadlayey magaca Mu’asasada iyo Jaamacada Benaadir Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Dr. Tahliil Cabdi Afrax iyo xubno kale.

Intii ay munaasabadan socotay ayaa ardayda Jaamacadda qaarkood waxay halkaas ku soo bandhigeen ciyaaraha dhaqanka & suugaan kala duwan oo isugu jirtay heeso iyo suugaan kale oo ka turjumeysay qiimaha Waxbarashada iyo xumaanta jahilga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -