Mareykanka oo shaaciyay Khasaaraha Al Shabaab ku gaarsiiyeen duqeyn ka dhacday Dabad Shiil

Dowlada Mareykanka ayaa shaacisay in Al Shabaab khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen duqeyn diyaaradahooda dagaalka ka fuliyeen deegaanka Dabad Shiil oo kuyaala duleedka degmada Xarar Dheere.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in labo duqeyn  ay la beegsadeen xarumo Al Shabaab ku leeyihiin deegaanka Dabad Shiil ku  dileen 37-dagaalyahan .

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen gobolka Mudug kala kaa shadeen ciidanka Soomaaliya, waxaana Warka Mareykanka lagu sheegay in duqeynta hore lagu dilay 27 dagaalame halka duqeynta labaad lagu dilay 10 dagaalyahan oo kale.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in ay sii xoojin doonto duqeynta ay ka fulinayaan deegaanada ay ka taliyaan Al Shabaab si ay u wiiqaan awooda kooxdaasi oo wali maamusha qeybo badan oo Soomaaliya kamid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -