DF oo diyaarisay dhaqaale lagula tacaalo Coronavirus & Goobaha Waxbarashada oo la xirayo

Ra’iisul Wasaaaraha Jamahuuriyadda Federaalka ah Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay shaaciyay in  dowladda Soomaaliya ay 5 Milyan oo Doollarka mareykanka ah u qoondeysay la tacaalidda caabuqa COVID- 19, dhammaan dalka oo dhan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha aya ku dhawaaqay in la xirayo dhammaan goobaha waxbarashada sida dugsiyada iyo jaamacadaha, laga billaabo maalinta barri ah iyada oo ay xirnaan doonaan muddo 15 maalin ah, si looga hortago faafidda caabuqa CONVID-19.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muwaadiniinta faray in la joojiyo kulamada waaweyn, iyo isku soo baxyada fagaarayaasha.

Dowladda ayaa ku howlan dhamaystirka xarumo lagu karantiilo, laguna hubiyo dadka looga shakiyo cudurka, halka Isbitaalka Martiini loo asteeyay in lagu daweeyay bukaannada uu cudurku haleelo – Alla ma qaddaree-.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed kala hadlay saameynta uu dhaqaalaha dalka ku yeelan karo caabuqaan iyo sida looga hortagi lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in loo midoobo, ka hortagga caabuqan, isla markaana la raaco timaamaha hay’adaha dowladda ee ku howlan howshan.

HOOS KA DAAWO HADALKA KHAYRE 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -