Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sagootiyey wefti uu hoggaaminayo madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Somaliland u tagay ka qaybgalka munaasibaddii lagu furayey ballaadhinta marsada caalamiga ah ee Berbera.
Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa madaxweynaha dawlad deeganka Soomaalida ugaga mahadnaqay kasoo qaybgalkiisa munaasibadda furitaanka dekedda Berbera, waxana kulanka goob joog ka ahaa xubno kamid ah golaha wasiirrada Somaliland, wasiirro katirsan dawlad-deegaanka Soomaalida iyo Wakiilka dalka Itoobiya u fadhiya caasimadda Hargeysa.
Masuuliyiin ka socotay dalka Itoobiya iyo marti sharaf kala duwan ayaa shalay ka qeyb galay munaasabad balaaran oo lagu furayey ballaadhinta marsada caalamiga ah ee Berbera oo gacanta ku heyso shirkada Imaaraadka laga leeyahay ee DP World.




Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com