Gaari uu leeyahay Xildhibaan Daahir Jeesow oo Muqdisho lagu qarxiyay (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw Laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho ku qarxay gaari nuuca loo yaqaan qooqan oo la sheegay in uu leeyahay Xildhibaan Daahir Amiin Jiisow oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Gaariga Xildhibaanka ayaa qarxay xili uu marayay meel ku dhaw Hotelka Maka Al Mukarama , waxaana wararka aan helnay sheegayaan in qaraxa uu uu ka dhashay miino gaariga lagu soo xiray.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxu uu ka dhashay khasaaso dhaawac oo soo gaaray dawaralka Xildhibaanka iyo qof kale, Xildhibaanka ayaana la sheegay xiliga uu gaarigu qarxayay in uu ku jiray Dukaan uu wax ka iibsanayay.

Qaraxyada gaadiidka lagu soo xiro ayaa inta badan lala eegan jiray dadka isticmaala gaadiidka yar yar, hasa ahaatee waxaa mudooyinkan soo kordhay in qaraxyada lagu xiro gaadiidka qooqana ay ilaalada la socdaan.

Ciidamada amaanka ayaa xiray daqiiqado kooban goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna saraakiisha laamaha amaanka sheegeen in ay sameenayaan baaritaano ku aadan qaraxan iyo sida gaariga loogu soo xiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -