Nin lasoo taagay Fagaare ay Al Shabaab ku toogan lahaayeen oo si lama filaan ah ku bad baaday

Fagaare kuyaala degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa shalay lasoo taagay nin gacan ku dhiigle ahaa oo lagu helay in uu dil geestay, waxaana Maxkamada Al Shabaab ninkaasi ku riday xukun dil ah.

Ninka xukunka dilka ah lagu riday ayaa la keenay fagaaraha kuyaala Ceelbuur si xukunka dilka ah loogu fuliyo, waxaana fagaaraha soo buux dhaafiyay dadweyne badan oo doonayay in ay daawadaan sida xukunka dilka ah u dhacayo.

Fagaaraha xukunka dilka ah la filayay in uu ka dhaco ayaa waxaa soo xaadiray ciidankii dilka fulin lahaa, waxa ayna dadku u diyaargaroobeen daawashada fulinta xukunka dilka ah ee lagu fulinayay ninka dilka geestay.

Iyada oo fulinta Xukunka dilka ah ka harsan tahay daqiiqado yar ayaa mar qura jawiga goobta is bedelay kadib markii nin kamid ahaa ehelka ruuxii uu dilay gacan ku dhiig laha fagaaraha uga dhawaaqay in ay cafiyeen ninkaasi ayna diyaar u yihiin in ay diyo qaataan.

Goobta fagaaraha ayaa mar qura lama filaan ka dhacay, waxaana xargaha laga furay ninkii la doonayay in xukunka dilka ah lagu fuliyo, waxaana dadkii fagaaraha isugu yimid iyaga oo jawi kale ku jira dib ugu laabteen guryahooda.

Arintan ayaa noqotay mid aad loo hadal hayo on nuuceeda aan inta badan loogu arki jirin deegaanada Al Shabaab xukunada ka fuliyaan, waxaana dad badan tilmaameen in uu nasiib ku bad baaday gacan ku dhiiglaha xukunka dilka ah ka bad baaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -