Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Joachim Waern

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Narobia ee Caasimada Dalka Kenya kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Sweden ufadhiya Soomaaliya Amb Joachim Waern .

Laftagareen iyo Danjiraha dowladda Sweden ayaa kulanka ay yeesheen waxa ay kaga wada hadleen arimaha siyaasada, amniga deegaannada Koonfur Galbeed , mashaariicda iyo arimaha biniadanimada

Danjiraha dowladda Swden ayaa Madaxweyne Laftagareen iyo Golaha Wasiirada uga Mahadceliyey sida dhow ee Wada-shaqaynta ula leeyihiin waxaana uu xusay in kan safaarad ahaan ay Xoojin doonan Wadashaqaynta iyo Hirgelinta Mashaariicda Hormarineed ee ay ka fulinayaan Deeganada Koonfur Galbeed

Kulanka waxaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed kala qeybgalay Wasiirada Wasaaraddaha Gargaarka, Qorshaynta, Agaasimaha Madaxtooyada iyo la Taliyaha Madaxweynaha.

 

Related posts

Kooxda Daacish oo yeelatay Hogaamiye cusub kadib Dilkii Abuubakar Al Bagdaadi

Cabdi Cade

Sargaal katirsan Milatariga Soomaaliya oo la dilay iyo ninkii dilay oo isna la toogtay

Cabdi Cade

Ciidamada dowlada oo dagaal kula wareegay degaan ka tirsan Sh/hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---