Allbanaadir.com
NEWS

Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi oo galay heshiis reer Galbeedka ka nixiyay

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa saxiixay heshiiska istiraatijiga ah ee Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi, kaas oo ku qasbaya labada waddan inay bixiyaan gargaar militari oo degdeg ah iyadoo la adeegsanayo “qaab kasta” haddii midkood la soo weerarro.

Tallaabada heshiiskan Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi  galeen ayaa ka dhigan in labada waddan ee ku hubaysan nukliyeerka haddii midkood uu weerar la kulmo in dalka kale uu si rasmi ah dagaalkaa ugu biirayo si uu u difaaca dalka la soo weerarray.

Heshiiska ayaa muujinaya xiriirka ugu xooggan ee u dhexeeya dowladaha Moscow iyo Pyongyang tan iyo dhammaadkii dagaalkii qaboobaa.

Kuuriyada Waqooyi ayaa mar hore qaaday tallaabooyin ay ku dhaqangelinayso heshiiskan waxayna u dirtay Moscow kumannaan askari iyo hub qeyb ka noqonaya dagaalka uu Ruushka ka wado Ukraine.

Dowladaha reer Galbeedka ayaana si weyn uga naxay heshiiskan ay gaareen Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya, waxa ayna u arkaan iskaashiga milatari ee labada dal u dhaxeeya mid khatar amni ku ah reer Galbeedka.

Related posts

Daawo Video:- Sababta muslimiinta Kacbada ugu wareegaan iyo Dr Zakir Naik oo si sahlan ugu Jawaabaya !!

admin

Somalia oo safka hore ka gashay dalalka caalamka ugu qiimo jaban Internetka

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo Safiirka USA u faahfaahiyey heshiiskii Badda (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---