Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta oo Yemen ka bilaabanaya iyo Sacuudiga oo…

Dalka Yemen qeybo kamid ah, waxaa ka socda abaabul dagaal xooggan oo Mareykanka hormuud u yahay, kaa oo lagu doonayo in meesha looga saaro jiritaanka iyo awoodda kooxda Xuutiyiinta ee hadda maamusha qeybo badan oo kamid ah dalkaasi.

Dowladda Mareykanka iyo xulafadiisa Carbeed ee aqoonsan dowladda taagta daran eeĀ  Yemen, ayaa hadda bilaabay abaabul dagaal oo ak dhan ah Xuutiyiinta, waxa ayna dowladda la aqoonsan yahay diyaarisay ciidamo badan oo qeyb ka noqda duullaanka ka dhanka ah Xuutiyiinta.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dawladda loogu yeero midda uu caalamka aqoonsanyahay ayĀ  qoratay illaa 80,000 oo askari , kuwaa oo qeyb ka noqon doona duullaanka cusub ee lagu qaadayo magaalooyin istaraatiiji ah ay maamulaanĀ  kooxda Xuutiyiinta Iran taageerto.

Mareykanka ayaana taageero dhinacyo kala duwan ah siin doona ciidankan dowladda Yemen u diyaarisay in ay la dagaallamaan Xuutiyiinta, Mareykanka iyo xulafadiisa ayaana horey duqeyo uga waday goobaha ay joogaan Xuutiyiinta, balse wax saameyn badan ah kooxda kuma yeelan duqeymahaasi.

Dowladda Sacuudiga, ayaa wararku sheegayaan in ay iska diiday inuu ku biirto dalalka taageeraya duullaanka la sheegay inay ku qaadayaan magaalada Xudeydah ee dalka Yemen, waxa ayna Sacuudiga sheegeen in aysan qeyb ka noqon karin duullaankan cusub ee lagu qaadayo Xuutiyiinta Yemen.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Odayaasha Seylac oo sheegay iney dagaal ka xigaan damaca Badda ee Itoobiya

Caydiid Ali

Dowladda oo Shaacisay in saakay la dilay in ka badan 20-xubnood oo katirsan Al Shabaab hubna laga furtay

Cabdi Cade

Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo dirqi kaga badbaaday in xilka laga xayuubiyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---