Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Ciraaq oo gaartay Go’aan lamid ah mid dowladda Soomaaliya kasoo baxay

Wakaallada Wararka Faransiiska ee AFP ayaa heshay dukumiinti sir ah oo muujinaya dalab dowladda Ciraaq ku dooneyso in la xiro xafiiska Qaramada Midoobay ee hawlgalka taageerada dalkaasi ee UNAMI.

Ra’isul Wasaaraha dalka Ciraaq Maxamed Shiyaac Al-Suudaani ayaa qoraal uu u diray Golaha Ammaanka ee QM ugu sheegay in ay doonayaan in la xiro 31-bisha December ee sannadka soo socda ee 2025-ka xafiiska QM ee UNAMI.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaare Al-Suudaani in xukuumadihii ka horreeyay ay hormaro ka gaareen sidii looga maarmi lahaa shaqada uu hayo xafiiska UNAMI oo dalka Ciraaq laga furay sannadkii 2003-dii.

Codsigan kasoo yeeray dowladda Ciraaq ayaa kusoo aadaya xilli isbuucan gudihiisa kulan khaas ah kaga doodi doonaan xubnaha golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay cusbooneysiinta xilli hawleedka hawlgalka UNAMI oo ku eg dhammaadka bishan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale Qaramada Midoobay uga dalbatay in la xiro  oo meesha laga saaro howlaha xafiiska kaalmeynta Qaramada Midoobay ee UNSOM, kaas oo Soomaaliya ka shaqaynayey muddo ku dhow 30 sano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Geedo Qurux badan oo lagu talaalayo Jidadka Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Joe Biden oo laga helay COVID-19 iyo faahfaahin laga bixiyey xaaladiisa Caafimaad

Caydiid Ali

WHO oo war kulul ka soo saartay duqeyn loo geystay Isbitaal kale oo ku yaalla Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---