Allbanaadir.com
NEWS

Israa’iil oo shaaciyay in ay dileen taliyihii Milatariga kooxda Xamaas

War goordhaw kasoo baxay taliska ciidamada milatariga maamulka Israa’iil ayaa shaaciyay in duqeyn dhanka cirka ah ay ku dileen madaxii ugu sarreeyay garabka milatari ee kooxda Xamaas ninka lagu magacaabo Maxamed Deif.

Milatariga Isra’il ayaana warka ay soo saareen ku sheegay in duqeynta ay ku dileen Maxamed Deif  ay dhacday 13-kii bishii dhamaatay ee July, waxa ayna sheegeen in duqeynta ka dhacday xero ku taalla aagga Khan Younis oo katirsan magaalada Qasa .

Israa’iil ayaa horey u sheegtay in duqeyntan ka dhacday xerada kutaalla aaga Khan Younis xilligaasi ku dileen  taliye sare oo Xamaas ka tirsanaa laguna magacaabi jiray Rafa’a Salemeh, mana sheegin xilligaasi ay heleen xogta in halkaasi lagu dilay Maxamed Deif.

Warkan kasoo baxay milatariga Isra’il ayaan jirin cid kale oo ilaa hadda xaqiijisay, waxa ayna sheegashada dilkan Isra’il ku shaaciyeen in ay ku dileen madaxii ugu sarreeyay milatariga Xamaas uu imaanaya xilli shalay dalka Iran lagu dhax dilay hoggaamiyihii ugu sarreeyay kooxda Xamaas Ismaaciil Haniya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhimashada cudurka Caronavirus deegaanada maamulka Somaliland oo korortay

Cabdi Cade

Bankiga Adduunka oo shaaciyey in Somalia qarka u saaran tahay inay Gaarto heerka HIPC

Caydiid Ali

Sawir laga sameeyay Qasim Suleymani oo Sababtay in la baajiyo Ciyaar kubadda cagta ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---