Allbanaadir.com
NEWS

Xafiiska howlgalka UNTMIS oo maanta si rasmi ah Muqdisho looga furay (Sawirro)

Masuuliyiin Sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Wasiirro ay hoggaaminayaan, wakiillada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Ergada Diblomaasiyadeed ee ku sugan Muqdisho ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda furitaanka rasmiga ah ee xafiiska Howlgalka Kaalmaynta Ku Meel Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

Munaasabadda ayaa lagu xusay kala guurkii Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) una guuray UNTMIS, is bedelka xafiiskaan ayaa astaan u ah horumarka ay dowladda Soomaaliya ka gaartay isku filnaashaha iyo doorkeeda masraxda caalamiga ah.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, La Taliyaha Sare Yuusuf Garaad, Madax kale iyo Safiirro ka kala socday dalal kala duwan ayaa ka qeyb galay munaasabadda shaacinta is bedelka xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo laga dhigay (UNTMIS).

Related posts

Dowladda Turkiga oo war hor leh kasoo saartay Kiiska dilka wiilka madaxweynaha Soomaaliya

Cabdi Cade

Ciidamada TPLF oo la wareegay magaalo cusub kuna sii dhawaanaya magaalo kale

Cabdi Cade

Muxuu Laftagareen kala hadlay Kristina Svensson & Peter Ellis?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---