Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanno aqbalay baaqii Axmed Madoobe oo Kismaayo ka degay (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland gaaray xildhibaanno katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , kuwaa oo deegaan doorashadooda tahay Jubbaland.

Masuuliyiin katirsan maamulka Jubbaland ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay xildhibaannadan katirsan labada Aqal ee maanta gaaray magaalada Kismaayo.

Xildhibaannada gaaray magaalada Kismaayo ayaa u hoggaansamay baaqii Madaxweynaha Jubbaland ee Axmed Madoobe, oo xildhibaannada isugu wacay shir wadatashi ah oo looga arrinsanayo xaalada siyaadadeed ee dalka iyo tan Jubbaland.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka , waxa uuna qorsheenayaa Axmed Madoobe in uu qabsado doorasho aysan raali ka aheyn dowladda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Madaxweynaha Somalia oo baaq deg deg ah ka soo saaray colaada Wanle-weyn

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo amar deg deg ah siiyay Guddiga Gurmadka Qaran

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Kulan Muhiim ah oo ka dhacay Aqalka Dawladda Hoose ee Xamar 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---