Dilal ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan oon heebtooda la garan ayaa xalay xaafad katirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen labo askari oo katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya .

Sida aan wararka ku helnay dableyda hubeesan ayaa markii dilka geesteen kadib isku dayay in ay goobta ka baxsadaan, hasa ahaatee ciidamo goobta ka agdhawaa ayaa la sheegay in ay dileen mid kamid ah ragii askarta dishay.

Ciidamada booliiska degmada Kaaraan ka howlgala oo soo gaaray goobta dilku ka dhacay ayaa halkaasi ka qaaday meydadka labada askari iyo ninkii hubeesnaa kuwaa oo la geeyay xarunta Dambi baarista CID-da.

Askarta la dilay ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay Axmadeey Gadaf iyo Sakariye Cali Aadan, waxa ayna ahaayeen askartan kuwa si weyn looga yaqaanay degmada Kaaraan ay mudo joogeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -