Allbanaadir.com
NEWS

Gantaalka Fateh-110 oo markii u horeysay lagu duqeeyey Israel

Dagaalyahanada Xisbullah ayaa markii u horreysay u adeegsaday weerar ka dhacay bartilmaameedyo ku yaalla magaalada Te aviv gantaalka ballistic-ga ee Fateh-110

Gantaalkan ayaa ah mid halis ah oo leh madaxyo qarxa oo culeyskoodu dhanyahay 500-kg waxaana farsameeyey Iran sida khubarada milaterigu sheegayaan.

Inta badan gantaalkan waxaa lagu garaaca bartilmaameedyo muhiim ah, iyadoo la arkay 24 saac ee la soo dhaafay inay Xisbullah weerarro ka geysatay saldhigyo militari, warshado wax soo saarka militariga

Meelaha la duqeeyey waxaa ka mid ah agagaarka garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil ee Ben Gurion oo ku yaalla Tel aviv welima lama oga khasaraha ka dhashay iyadoo Israel ay warbaahinta ku cadaadiso in la qariyo khasaaraha.

Israa’iil oo u muuqata inay weerarradan ka aargoosanayso ayaa weerarro culus ka geysatay gudaha Lubnaan oo uu ku jiro meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha Rafic Hariri ee ku yaalla Beirut.

 

Related posts

YAAB: Coronavirus oo sabab u noqday farxada kumanaan qof & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Kumaandooska Soomaaliya oo fuliyay howlgal lagu naafeeyay Al Shabaab

Cabdi Cade

Muxuu kala soo Noqday Ra’iisul Wasaare Rooble Safarkii Garoowe? (Fikirkaaga dhiibo)

admin
Taboola Ads ---