Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo qoraal xasaasi ah u dirtay beesha caalamka

Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland ayaa soo saartay war-murtiyeed ay caalamka tafaasiil kaga siisay doorashooyinka Somaliland iyo xasaradaha ka oogan gobolka Geeska Afrika.

Wasaaradda Arrimaha dibaddu war-saxaafadeedka ay soo saartay sidatan ayuu u qornaa:-

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay ku faraxsan tahay in ay beesha caalamka u sheegto horumarka baaxadda leh ee ay Somaliland ka samaynayso u diyaar-garowga doorashooyinka soo socda ee madaxtooyada iyo axsaabta ee loo qoondeeyey inay qabsoomaan 13-ka bisha November 2024-ka, iyo in ay wax ka qabato caqabadaha amniga ee saameeya geeddi-socodka dimuqraadiyadeed.”

Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxa ay sheegtay in Komishanka doorashooyinka Somaliland  ay qaadeen tallaabooyin wax ku ool ah oo xaqiijinaya kalsoonida iyo hufnaanta doorashadan.Waxaanay  soo gebagebeeyeen hubinta diwaan geinta codbixiyayaasha.

Waxa kaloo ay  Wasaaraddu tilmaantay in Komishanku  dhammaystireen aqoonsiga magacaabista murrashaxiinta, iyadoo la raacayo xeerar anshax oo hore loo dejiyay, geesta kalena waxa ay hubiyeen miisaaniyada lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada.

Waxa War murtiyeedku intaas ku daray in Ruqsad siinta goob joogayaasha caalamiga ah ay  hawsheeda u socoto Komishanka doorashooyinka oo sii xoojinaya hufnaanta doorashada.

Xukuumaddu waxa iftiimisay in saraakiisha guddida doorashada loo kala diray dhammaan gobollada dalka, si ay u kormeeraan goobaha codbixinta.

“Sidaa darteed, arrintani waxay hoosta ka xariiqaysaa dedaalka dheer ee ay Somaliland ugu jirto xaqiijinta hanaan doorasho oo dimuqraadi ah isla markaana  xor ah. ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA OO ENGLISH AH.

Related posts

Xasan Daahir Yarow oo goordhaw loo doortay Senator katirsan Aqalka Sare

Cabdi Cade

Dad sannado kahor dadkooda dhinteen oo mar kale Murugo hor leh dareemay

Cabdi Cade

Jabuuti oo marti galineysa Shirka Joogteynta Iskaashiga ee Qaarada Afrika iyo Shinaha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---