Allbanaadir.com
NEWS

FBI-da Mareykanka oo ciidanka Booliska DF u balan-qaaday..

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay khubaro ka socotay heyadda dembi baarista Mareykanka ee FBI.

Taliye Asad ayaa Saraakiisha Khubarada ah kala hadlay sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen tababarada Saraakiisha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo xoojinta dib u habeynta ciidanka.

Saraakiisha FBI-da ka socotay ayaa bogaadisay dardargelinta, horumarinta iyo dib u casriyeynta hanaanka shaqo ee Ciidanka Booliiska.

Waxay balan-qaadeen iney taageero iyo wada shaqeyn buuxda la yeelan doonaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayna ka caawin doonaan dhinaca tababarada iyo qalabka.

FBI-da Mareykanka ayaa qeyb ka ah hay’adaha Booliiska Soomaaliya ka taageera la dagaalanka argagixisada iyo sugida amniga gudaha.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

Related posts

Kooxo hubeysan oo dilay Foos Aadan Nuur iyo faah faahino kasoo baxaya dilkeeda

Cabdi Cade

(Sawirro) Su’aalo la iska weydiinayo shilka uu ku dhintay Madaxweyne Ibrahim Raisi

Caydiid Ali

Ciidamada ammaanka oo Muqdisho ku dilay Nin biskoolad been abuur ah watay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---