Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo ka degay Berlin kaddib martiqaad uu ka helay Olaf Scholz

Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Dr, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Berlin ee caasimadda dalka Jarmalka ka dib markii uu martiqaad ka helay R/Wasaaraha Jarmalka Mr, Olaf Scholz.

Madaxweynaha ayaa kulamo. muhiim ah la qaadan doono R/wasaaraha dalka jarmalka mudane Olaf Scholz iyaga oo ka hada hadli doono xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya ee Jarmalka sida dib u soo nooleynta mashaariicdii farsamada gacanta, isbedelka cimilada, horumarnita booliska Soomaaliyeed, iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo arimo kale.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa ka qeybgalayo Shirweynaha maalgashiga Afrika iyo Jarmalka, oo muhiimad gaar ah u leh maalgashiga Soomaaliya, maadaama dalkeenu labadii sano ee la soo dhaafay ku guuleysatay arimaha deyn cafinta, la dagaalanka Argagixsada, ku biirista ururka iskaashiga Bariga Afrika.

Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa leh taariikh soo jireen ah, waxa uuna safarka Madaxweynahu soo cilinayaq iskaashiga Jarmalka oo ah dal muhiim u ah Soomaaliya Taageerada tooska iyo midda Midowga Yurub.

Related posts

Cabdi Qeybdiid oo sheegay in uu Dil ka bad baaday ayna jirto qatar ku wajahan isaga iyo qoyskiisa

Cabdi Cade

Xirnaanshaha Suuqa Weyn ee Bakaaraha iyo Kobaca Suuq Bucaad

Cabdi Cade

Taliyihii Sirdoonka ciidamada Kacaanka Iran oo shaqada laga eryey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---