Akhriso Magacyada Dhalinyaro Soomaaliyeed oo sanado badan ku xiran dalka Spain

In gurmad iyo furdaamin loo sameeyo dhallinyaradii ku darxumaysnayd xabsiyda ku kala yaalla daafaha dunida gaar ahaan Liibiya, Hindiya, siishalis iyo qaar kalaba, wuxuu ahaa fal wanaagsan oo bogaadin  iyo ammaan mudan, ha yeeshee intii hore ee laga soo saaray xabsiyada cadowga in ka badan baa weli ku sii jira xabsiyo la ogyahay iyo kuwo aan la ogaynba.

Sidaasi darteed Soomaaliyeey dadaalku weli fari ka ma qodna, maxaa yeelay, Hooyooyin iyo Aabbayaal  Soomaaliyeed oo ay ubadkoodu ka maqan yihiin, ayaa soo hubsaday in carruurtoodu ay ku xiran yihiin xabsi ku yaalla dalka Spain, gaar ahaan magaalada la yiraahdo ( Soria ) halkaasi oo ay ku xirnaayeen in ka badan muddo 6 sannadood ah.

Dhallinyaradaasi oo  qaarkood  ay soo dhamaysteen waqtigii lagu xukumay, ayaa weli xabsiga  ku sii jira sababo la xiriira caddayn la’aan ka haysata dhinaca jinsiyadda iyo hubaalnimada asalkooda Soomaalinnimo. Dhallinyarada xabsiga ku dhibaateysan oo aan qaar ka mid ah magacyadooda helnay, waxa ay kala yihiin:-

  1. C/llaahi Maxamed Guuleed
  2. Maxamed Saciid Axmed
  3. Maxamed C/llaahi Xasan
  4. Maxamed Aadan Maxamed
  5. Ciise Cabdi Ciise
  6. Xaamud Alfaaf Macoow.

Haddaba guud ahaan DFS, safaaradda Beljum , warbaahinta iyo dhammaanba jaaliyadaha  soomaaliyeed ee yurub, waxaa laga codsanayaa “In ay gurmad degdeg ah u sameeyaan  dhallinyaradaasi Soomaaliyeed ee xabsiga ku dhex caddiban” fadlan muwaadin kaalin ka qaado birmadka loo samaynayo walaalahaaga Soomaaliyeed.

W/Q Al fanaan Bashiir Cali Xuseen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -