Maamulka Puntland oo soo rogay amar ka dhan ah Mooto bajaajka

Maamulka Magaalada Garoowe iyo Saraakiisha Ciidamada Puntland oo maanta kulan ku yeeshay magaaladaas ayaa soo saaray qodobo la xiriira dhinaca amniga.

Qodobada ka soo baxay kulankaas ayaa waxaa ku jira amaro ka dhan ah gaadiidka Mooto bajaajta loo yaqaano oo mudooyinkan aad ugu soo badanayey magaalooyinka Soomaalida.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Muxyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in 11:00 caweysnimo wixii ka dambeeya aysan socon karin Mooto bajaajta dhamaan deegaanada Puntland.

Muxyadiin Axmed Muuse ayaa intaa ku daray mooto bajaajkii la arko iyagoo wixii xiligaas ka dambeeya socda lala wareegi doono.

Sidoo kale gaadiidka tagaasida ah ayuu sheegay inaysan shaqeyn karin, iyagoo aan wadan calaamada lagu aqoonsanayo, waxaana sidoo kale Madaxda Puntland uu ugu baaqay inay Taarigo u sameeyaan gaadiidkooda.

Amaradan ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan degaanada Puntland la filayo inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha xiga ee Puntland oo ay isu taageen musharaxiin badan oo uu ku jiro C/wali Gaas oo ah Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -