Allbanaadir.com
NEWS

DF oo Dhismaha Mashruuc weyn ka hirgelineysa Jowhar (Sawirro)

Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda JFS, mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta furey diyaarainta qorshada Mashruuca Kaydka Biyaha ee Jowhar.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa deeq bixiyeyaasha caalamka ay ka hirgelineyso maamulka Hirshabeelle.

Munaasabadda Daahfurka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle, mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada heer Federaal iyo heer dowlad gobolleed, diblomaasiyiin iyo madax ka socota Qaramada Midoobay.

Mashruucan ayaa looga golleeyahay in lagu kobciyo awoodda kaydka biyaha ee Jowhar, oo ay ka faa’iideysan doonaan dad gaaraaya 1.6 Milyan, kaasoo muhiim u ah horumarinta waraabka iyo xoojinta sugnaanta cuntada ee Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Hawiye oo ka shiray Qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee …

Cabdi Cade

Generaal Mahad Cabdiraxmaan Aaden oo goordhaw Taliye Ciidan loo Magacaabay

Cabdi Cade

Booliska Jarmalka oo xiray haweeney ninkeeda u dishay sabab yaab leh

Caydiid Ali
Taboola Ads ---