Booliska Jarmalka oo xiray haweeney ninkeeda u dishay sabab yaab leh

Booliska Jarmalka ayaa xabsiga dhigay Haweenay kadib markii ay ninkeeda kula kacday fal dil ah oo la yaab leh.

Haweenaydan ayaa ninkeeda tooray la dhacday xili uu jiifay, kadib markii ay ka seexan wayday dhuuso hurdada u diiday.

Ninkan ayaa la sheegay in habeenkii xiliga la jiifo aanu kala joojin jirin dhuusada.

Haweenayda ayaa la sheegay iney stress ka qaaday kana seexan waysay Shanqadha iyo urta Neefta dhuusada, waxayna Aakhirkii midi la dhacay odaygeedii oo ay sidaas ku khaarajisay.

Haweenaydan ayaa xabsiga loo taxaabay waxayna qiratay dilkaasi.

Markii la waydiiyay nin kaaga maxaad u dishay waxay ku jawaabtay “Akhlaaq xumadaas ayaan ka seexan waayay, isna waa joojin waayay” ayey tiri, waxaana dhacdadan ay noqotay mid ka yaabisay dad badan oo ku nool dalka Jarmalka, wargeysyada dalkaas ayaana hadal haya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -