Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax weyn oo goor dhow ka dhacay duleedka Muqadisho

Qarax xoog leh ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga degaanka Km-13 ee duleedka magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Daryanka qaraxa oo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa wararku sheegayaan in lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Qaraxan uu ahaa mid ismiidaamin ah, halka warar kalena ay ku waramayaan inuu ka dhashay miino wadada dhinaceeda lagu aasay.

Goob joogayaal ayaa sheegayaa in qaraxa kadib ay halkaasi ka dhacday rasaas iyadoo Ciidamada amniga ay xireen goobta qaraxu ka dhacay, waxaana la sheegay inuu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawac leh inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

La soco wixii faahfaahin ah ee ku soo kordha..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

War cusub oo ka soo kordhay sababtii uu u geeriyooday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif

Caydiid Ali

Dawladda Qatar Oo Qiimayn Ku Sameynaysa Dekadaha Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada “Kulamadii R/W Khayre la qaatay Madax ka tirsan Maraykanka & Hey’addo caalami ah oo soo dhamaaday (Warbixin)

admin
Taboola Ads ---