Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Muuse Biixi oo kulan xasaasi ah la qaatay Karin Johansson

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo qasriga Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa ku qaabiley Safiirka Midowga Yurub u jooga Soomaaliya Amb. Karin Johansson.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Amb Karin Johansson ayaa waxa ay kawada hadleen xoojinta xiriirka midowga yurub iyo maamulka Somaliland, mashaariicda horumarinta bulshada ee ay iska kaashadaan labada dhinac.

Sidoo kale, waxa kulanka labada dhinac yeesheen lagu gorfeeyey arrimaha doorashooyinka maamulka Somaliland ee bisha soo socota ee November qabsoomeysa , nabadgelyada iyo amniga mandaqadda Geeska Afrika.

Waxaana Madaxweynaha  Somaliland kulanka ku wehelinayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Ciise Keyd Maxamuud iyo Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno).

Doorashada dhawaan ka dhaceysa deegaannada maamulka Somaliland ayaa waxaa ku tartamaya xisbiyadda ka jira Somaliland, wakiillada beesha caalamka ayaana kala shaqeeya Somaliland sidii ay u dhici laheyd doorasho daah-furan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa sababay in 29 sano kadib Wasaaradda Arimaha dibadda Soomaaliya yeelato Xoghaye joogta oo rasmi ah!!

admin

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo qaadaya Tallaano ku haboon Heshiiska Shidaalka ee la saxiixay

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo gar gaar deg deg ah u dirtay magaalada Guriceel (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---