Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Dowlada Soomaaliya oo gar gaar deg deg ah u dirtay magaalada Guriceel (Sawirro)

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta diyaarado gar gaar sida u dirtay magaalada Guriceel, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ka socdeen dagaalo dhiig badan ku daatay oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo kuwa taabacsan Ahlu Sunna.

Gar gaarka dowlada Soomaaliya u dirtay magaalada Guriceel ayaa ka koobnaa Teendhooyin, Mara-kaneecooyin iyo Agab-Caafimaad, waxaana loogu tala galay in lagu caawiyo dadkii ka barakacay colaada magaalada Guriceel.

Wasiirka Gar gaarka iyo maareynta musiibooyinka ee dowlada Federaalka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa garoonka Aadan Cadde kasii sagootisay gar gaarkan maanta loo diray magaalada Guriceel ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Gar gaarkan ay dowlada Soomaaliya u dirtay magaalada Guriceel ayaa kusoo aadaya xili ciidamada Doqwlada federaalka iyo kuwa Galmudug si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta magaalada Guriceel oo dagaalo xoogan ka socdeen afartii maalin ee lasoo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska Muqdisho oo qabtay askari sabab yaab leh u dilay qof shacab ah

Caydiid Ali

Madaxweynihii hore ee Somalia oo Nairobi kula kulmay Wasiiro & xildhibaano ka tirsan dowlada (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Kooxo hubeysan oo saacadihii ugu dambeeyey dil iyo dhaawac u geystay lix qof

Caydiid Ali