Allbanaadir.com
NEWS

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo qaadaya Tallaano ku haboon Heshiiska Shidaalka ee la saxiixay

Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawwaan saxiixay heshiis muran badan abuuray  uu la galay shirkad ajnabi ah oo lagau magacaabo Coastline Exploration..

Heshiiskan waxaa si adag uga soo horjeestay sidoo kale buriyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul wasaaraha dalka , kuwaa oo sheegay in heshiiskaasi uu yahay sharci daro waxna aysan kala socon.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Suleymaan Maxamed ayaa magacaabay guddi baaris ku sameeya heshiiskii shidaalka ee uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya si loo qaado tallaabooyin ku haboon.

”Waxaan amray, Xeer-ilaaliyayaalna u magacaabay si baaris loogu sameeyo talaabada ku haboona loo qaado heshiiskii shidaalka ee uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya iyada laga ambaqaadayo baaritaankii hordhaca ahaa ee uu sameeyay Hantidhowraha Guud.” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Heshiiskan batroolka Soomaaliya waxaa sidoo kale  hannaanka iyo habraacayada loo maray sharci daro iyo  khatar mug leh ku tilmaamay Hantidhowraha Qaranka oo cadeeyay in heshiiskan khatar ku yahay khayraadka Ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Burcad sidii Dumarka usoo labistay oo gacanta lagu dhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Shariif & Farmaajo oo eedeeyey ciidamada amniga DF (Akhriso)

Caydiid Ali

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Cagjar iyo Taliyaha Ciidanka Somaliland?

Caydiid Ali