Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas oo shaacisay xiliga ay hogaamiye cusub Magacabayso

Xamaas ayaa sheegtay inay u badan tahay inaysan shaacin doonin aqoonsiga hoggaamiyahooda cusub sababo amniga la xirrira awgood

Kooxda ayaa sidan oo kale samaysay 2003dii ka dib markii ay Israa’iil dishay hoggaamiyahoodii Sheekh Axmed Yaasiin.

Waxay ku tala jirta in ay doortaan hogaamiye cusub bisha Maarso ee sanadka soo socda balse ilaa iyo waqtigaas waxaa maamuli doona guddi ka kooban shan xubnood.

Guddigan ayaa ka koobnaan doona Khalil al-Hayya, Khaled Meshaal, Zaher Jabarin, Muhammad Darwish, Madaxa golaha shuurada iyo shaqsiga shanaad oo aan wali la shaacin aqoonsigiisa.

Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa tilmaamay in Khaliil al-Hayya uu la wareegay mas’uuliyadda inta badan dhanka siyaasadda iyo arrimaha dibadda, marka laga soo tago kormeerkiisa tooska ah ee dagaalka Gaza.

Related posts

Maxamuud Cabaas oo baaq xasaasi ah u diray kooxda Xamaas

Cabdi Cade

Musharax Madaxweyne oo ka hadlay Ujeedka Ciidamada Haramcad loo geeyay Baladweyne

Cabdi Cade

Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya oo caawa la weeraray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---