Allbanaadir.com
NEWS

Suuqa ugu weyn Itoobiya ee Mercato oo gubanaya (Sawirro)

Ciidamada dab demiska Itoobiya ayaa ku dadaalaya daminta dab xoog leh oo caawa qabsaday suuqa ugu weyn Itoobiya ee Markato la yiraahdo oo ku yaalla magaalada Addis ababa.

Warbaahinta Itoobiya ayaa baahiyay muuqaalo iyo sawiro muujinaya gubashada suuqa oo aad u badan.

Goobo ganacsi oo badan ayaa basbeelay waxaana socda gurmad xoog leh, iyadoo dabku ku sii fidayo qeybo hor leh oo suuqa ka tirsan.

Haweenayda duqa magaalada ka ah Addis-ababa Adanech Abebe ayaa sheegtay in dabku khasaaro badan geystay hanti badana ku gubatay

Waxay intaa ku dartay in gurmadka ciidamada dab demiska uu dib u dhacay sababo la xariira wadooyinka suuqa oo ciriiri ah. Sababta dabka kicisay lama shaacin.

Related posts

Maxaad kala Socotaa Kala waqti yaraanta Saacadaha Soonka ee Dalalka Islaamka ?

Cabdi Cade

Golahu Wadatashaga Qaranka oo 5 qodob ka soo saaray talaabada ay qaaday Itoobiya (Akhriso)

Caydiid Ali

Soomaali badan oo lagu dilay ismaamulka Oromada ee dalka Itoobiya

admin
Taboola Ads ---