Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh iyo wafdigiisa oo caawa gaaray Nairobi (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo safarro shaqo ku marayey dalalka gobolka ee qeybta ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Afrika ee Soomaaliya, ayaa caawa gaaray dalka Kenya.

Xassan Shiikh ayaa halkaas wadahadallo kula yeelan doono dhiggiisa Kenya Mudane William Ruto oo ay ka wadahadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyey ee geeska Afrika, la dagaalanka Al shabaab, howlgalka cusub ee Midowga Afrika uu ka bilaabayo Somalia iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Xassan Shiikh iyo wafdigiisa ayaa horey u soo maray dalalka Ugandha, Burundi iyo Jabuuti oo ka mid ah dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia.

Itoobiya oo ka mid ah dalalka ka tirsan howlgalka ATMIS ee gebagebeda ah ayaanu booqan doonin Madaxweyne Xasan Shiikh iyo wafigiisa maadaama xiriirka labada dal uu aad u xumaaday tan iyo markii Itoobiya heshiiska is afgarad la gashay Somaliland kaasoo la isku dhaafsanayo aqoonsi iyo bad labadaba xad gudub ku ah madax banaanida Somalia.

Related posts

Militariga qabsaday Niger oo ka jawaabay digniin kaga timid urur goboleedka ECOWAS

Caydiid Ali

Hadal heyn ka dhalatay Haweeney Soomaaliyeed oo Eey kala soo degtay garoonka Muqdisho

Cabdi Cade

Daawo: DF oo ka hadashay Saraakiil la dilay, Puntland oo eedeysay Somaliland & Warar kale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---