Musharax Madaxweyne oo ka hadlay Ujeedka Ciidamada Haramcad loo geeyay Baladweyne

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay ujeedka ka dambeeya cutubyo katirsan ciidamada booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo maanta la geeyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ciidamada Haramcad ee la geeyay Baladweyne iyo magaalooyin kale ay daliil cad u tahay sida Madaxweyne Farmaajo u doonayo in doorashada u boobo .

”Ciidanka Haramcad ee Madaxweyne Farmaajo uu maanta Beledweyne ka dejiyey iyo kuwii ka horeeyey ee uu Dhuusamareeb iyo Gedo geeyey waxay daliil cad u yihiin damaciisa doorashada boobka ah. Waxay kaloo cadayn u tahay in uu diidan yahay wadahadal iyo is faham laga gaaro is marin waaga doorashooyinka.” ayuu yiri Mr Warsame.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaana ka digay in Madaxweyne Farmaajo gacan lagu siiyo in doorashada boobo, waxa uuna Musharaxa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in meel uga soo wada jeestaan kuwa doonaya in dalka dumiyaan

”Ruux walba oo isku daya in uu qayb ka noqdo in Farmaajo dalka loo afduubto oo doorasho boob ah loo qabato, xilkii uu doono ha hayo, deegaankii uu doono ha ka soo jeedo, qabiilkii uu doonana magaciisa ha ku hadlo wuxuu halis ku yahay danta iyo amniga qaranka Soomaaliyeed, diiwaanka taariikhdana meel madow buu ka gelayaa. Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed in aan meel uga soo wada jeesano kuwa doonaya in ay dalka naga duminayaan.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hadalka kasoo yeeray Musharaxan ayaa kusoo aadaya xili saakay dowlada ciidamo badan geesay magaalada Baladweyne kuna dhawaaqday dowlada in doorashada si deg deg ah loo guda galayo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -