Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrimo muhiim ah kala hadlay dhigiisa Jabuuti

Madaxweynaha JFS Dr, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminaayo ayaa waxaa Qasriga Madaxtooyada Jabuuti ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulan gaar ah oo dhexmaray Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga walaalnimo ee labada dal iyo qodobo kale oo muhiim ah danaha labada dowladood .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Dr, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal shaqo ku marayo qaar ka mid ah dalalka gobolka, waxa uuna raadinayaa taageero dheeraad ah uu ka helo dalalka geeska Afrika.

Xasan Sheekh ayaa horey u tagay dalalka Uganda iyo Burundi waxa uuna lasoo kulmay madaxda labadaasi dalka, waxa uuna kala soo hadlay xoojinta xiriirka ee Soomaaliya la leeyihiin iyo sidoo kale arrimo khuseeya ciidankooda nabbad ilalainta u jooga Soomaaliya.

.Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Mid ka mid ah Wasiiradii uu Magacaabay RW Khayre oo saaka Muqdisho lagu soo dhoweeyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Ciyaaryahan Caan ahaa oo Faqriyay Codsina u diray Kooxdiisii hore

admin

Taliyihii hore ee Danab oo beeniyay Warar been abuur ah oo laga faafiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---